HAMPALYO FRANKFURT WAA CHAMPIONS 2022 EE EUROPE LEAGUE

 

Champions Frankfurt 🏆 2022

Hampalyo kooxda reer Germany taas oo ku Guulaysty horyaalka labaad ee koobka horyaalada yurub 

Frankfurt inkasto gool looga hormaray hadda markasta waxay na tusaysay inay koobku dhankeeda yahay madaama daqiiqad kasta xerada ganaaxa kooxda rangers la taagna

Waxay so bandhigayn u qalmi tii ugu fiicnen ee koox koob doonaysa so bandhigti taas oo ka yeeshay inay markeedi ugu horeysay ku gulaystan koobkan

Bilowgiiba ciyaarta waxaa inbadan kubada aan fadhin ku haysay rangers oo daqiiqadihiiba weerar ku qaaday Frankfurt Balse aan ka faaidysan fursadohooda

Wixii inta ka danbeeyey koox walba waxay u ciyaraysay sidi final una qorshuhu ahaa guul ama geeri

Balse jiijki danbe ayey wax walba is badalayn markii ay kooxda rangers la timid goolkeedi koowad 

Frankfurt waxay bilowday sidii ay u raadin lahayd bal bareejo si naftu ugu so noqoto waa tii ciyaarta ay ka dhineed wax 30 daqiiqo ka yar

Frankfurt weerar aan kala joogsi lahayn ayey bilowday taas o ka yeeshay inay la timaado goolkeedi bar bar dhaca oo ciyaartana u diray waqti dheeri ah si loogu kala baxo kulanka

Dhamaadki waqtigii dheeriga ahaa ayaa bedel loo taagay xiddig ka tirsan kooxda rangers waxaana lasoo galiyey xidigi hore arsenal iyo Juvantus kaas oo lo arkayey inu khibradiisa ka saacidayo kooxda inay qaado koobkoodi ugu horeeyey mudo 50 sano ah 

Balse waxaa markiba isbedaly wixii laga filanaayey laacibka oo waxa uu qasaariyey gool kulaadki Taas oo Frankfurt ka saaciday hanashada koobkoodi ugu horeeyey 


Maxaa laga qoray kulankaas 


Kooxda rangers ayaan wax koob horyaalka horyaalada yurub ku gulaystan mudo 50 sano ah 

Balse caawa waxay u ahayd fursad ay taarikhdaas madowga ah ku tirtiraan
Frankfurt caawa iyagana taarikh wayn bay u ahayd waana markeedi ugu horaysy ee ay hantaan horyaalkan kadib fashil ku dhacay labo mar ay yimaaden final

Kooxda frankfurt ayaa noqotoy kooxdi ugu horeysay ee anbiitin ku qaada koobkan
Dhacdada ugu wayn ayaa ah inay so qaracday kooxaha barcelona iyo West ham 





Faa'iidada koobkan

European league waa koobka labaad ee ugu xiisaha badan horyaalada yurub kooxdi qaadana waxay toos ugu soo baxaysa champion league taas oo ka dhigan in Frankfurt oo kaalint sagaalad ku jirta ay caawa ka mid tahay kooxaha ciyaari doona champion league sanadka danbe  insha allah

Qaadista koob waa faa'idada ugu wayn ee koox sanadkaas European league xitta kooxaha waweyn ayaa jaanis ku radinaya helidiis 




Previous Post Next Post

Contact Form