World cup ama koobka aduunka ayaa la qabta afartii sano ba mar waxaana ka qayb gala wadamo kuwaas oo loo xulay qaab siyasadeed iskuna mid maahan saamiga qaaradaha sida afrika iyi yurub ama aasiyo iyo ameerika oo qoloba in kooban bay le yihiin ha ugu badnaato qaarada yurub
koobkan waxaa qaban qaabisa xiriirka kubada cagta ee federations International Football Association ( FIFA )
waxay u badan tahay inay tahay dhacdada ciyaaraha ee ugu caansan Aduunka iyada oo so jiidada balaayin dawadayaal ah
Tartanki ugu horeeyey ee koob aduun wuxuu dhacay 1930 waxaana qaaday wadanka Uruguay iyado so qaban qaabisay Federation international football Assocoition ( FIFA)
Tartankan tan iyo 1930 waxaa uu baaqday halmar waana dagaalki labaad waxaana kasoo qayb gala 32 wadan
Tartankan garsooraha ama albiitarka waxaa laga soo dhex xulaa liisaska ay soo gudbiyaan Dhamaan ururada Qaranka
Koobki kowaad ee la bixiyey sanadihi 1930-1970 waxaa la dhihi jiray Jules Rimet oo loogu magac daray faransiiski so jeediyey fikirka koobkan mise ogtahay in Brazil ay tartankan saddexd jeer oo isku xigta hanatay |1958| 1962 | 1970 |
intaas kadib waxaa bilowday magac cusub kaas oo laagu yeero world cup
koobki 1930
dhacdadan oo ahayd tii ugu horeysay ee la qabta waxaa marti galiyey wadanka Uruguay
sida aan kor kusoo xusay koobkan waxaa hanatay ( qaaday ) xulka qaranka Uruguay wuxuuna ahaa tartankii ugu horeeyey ee la qabto waxayna 4-2 ku qaraacen xulka Argentina
keliya waxaa aqbalay 7 wadan oo ka socday koonfurta iyo bartamaha Ameerika 4 ka socday yurub iyo 2 ka socday waqooyiga Ameerika
Stabile ayaa ku guulaysaty gool dhaliyaha ugu sareeya koobkaas wuxuuna dhaliyey 8 goal
Koobki 1934
markan waxaa marti galiyey wadanka talyaaniga sidaa tarteed waa marki ugu horeysay ee lagu qabto wadan ka mid ah yurub
markan waa ka duwan yahay kii hore oo waxaa ka soo qayb galay 32 wada 16 kamid ah waxay ku harayn heerka group ka halkan 16 kale usoo baxaan is reebrebka
xulkan difaacanaya koobkan ee Uruguay ayaa diiday inay kasoo qayb galaan markan
Afrika wali kuma anaan arag maqaalkan balse masar ayaa noqotay wadankii ugu horeeyey ee afrikaan ah ee ciyaara world cup
ugu danbeynti waxaa kama danbeysti yimid talyaaniga iyo czech waxayna ku ciyarayeen caasimada Roma ciyaartas oo kusoo dhamaatay 2-1 waxana koobkan qaaday talyaaniga
talyaniga ayaa sidaas ku noqday wadanki ugu horeeyey ee yurub ah ee ku guulaysta koobkan
Nejedly ayaa ahaa gool dhaliyihii ugu sareeyey ee koobkan wuxuuna dhaliyey shan gool waana laacib ka tirsana xulka qaranka Czech
koobki 1938
markan waxaa marki labaad oo xiriira lagu qabta qaarada yurub waxaana marti galiyey wadanka faransiiska
Argentina iyo Uruguay waa ay diiden inay kasoo qayb galaan tartanka sabab too ah madaama wadama yurub ay marti galiyeen labo mar oo xiriir ah
wadanka spain markan kama soo muuqan koobkan sababto ah waxaa ka socday dagaal so keeye
Tartanka markan waxaa kasoo qayb galay keliya 15 wadan 12 kasocday yurub hal aasiya ah hal waqooyiga ameerika ah iyo hal koonfurta ameerika ah
wadanka brazil ayaa ayaa markan hanatay koobkan kadib markii ay sweden ku qaraacday 4-2
gool dhaliyihii ugu sareeyey tartanka wuxuu ahaa leondidas wuxuuna dhaliyey 7 gool
Tartankan kadib lama qaban wax ciyaara 12 sano gudaheed waxaana sababay dagaalki labaad ee aduunka
koobki 1950
kadib 12 sano uu hakad galay markan brazil ayaa marti galinaysa tartankan xiisaha leh
markan waxaa kasoo qayb galay keliya 13 wadan marka waa markii ugu horeysay ee lagu daawado Telafishan ama dhalo
sidoo kale waxaa la ciyaaryey labo final waana markii ugu horeysay ee sidaas la sameeyo waxaana markan markeedi labaad ku guulaysatay wadanaka Uruguay waxaana kaalinta labaad galay Brazile halka saddex iyo Afar gala galayn sweden iyo spain wuxuuna ahaa tartan groups ah
Gool dhaliyihii ugu sareeyey Tartan wuxuu ahaa Ademir oo u dhashay wadanka Brazil isago dhaliyey 8 gool
koobki 1954
Diirada ayaa markale usoo guurtay yurub waxaana markan loo caleemo saaray inay marti galiso wadanka Switzerland
1954 waxay caalamad u ahay kuuriyada koonfured turkey iyo scotland oo markoodi ugu horeysay kasoo qayb galay Tartankan
Hungary ayaa iska xaadirisay finalka balse waxaa 4-2 ku qaraacay xulka germeny
Gool dhaliayaha tartanka ayaa ahaa Kocsis wuxuuna dhaliyey 11 gool xiddigan oo ka tirsana safkii xulkii hungary
koobki 1958
markan marti qaadku waa yurub markii labaad oo xiriir ah waxaana marti galiyey Sweden
koobka waa ku tartamaayey 12 wadan oo yurub iyo 4 kale oo ah Ameerika
dhacdaadan waxaa kasoo muuqday pale oo 17 jirka brazil ayaa 5-2 ku qaraacday marti galiyaashi koobkan
Fontaine ayaa ahaa laacibkii ugu goolosha koobkan wuxuuna u ciyaarayey xulka qaranka faransiska wuxuuna dhaliyey 13 gool
koobki 1962
kadib 7 jeer oo koobkan la qabtay wuxuu dib ugu laabtay ameerika waxaana markan marti galinaysa Chile
dhamaan quruumaha kasoo qayb kale waxay ahaayen yurub iyo ameerika Nasiib daro tartankan waxaa hareeyey Jawi Sun
Markan waxaa final yimid Brazil iyo Czech waxayna guushu Raacday brazil oo ku adkaatay 3-1
markan Gool dhaliyaha tartan waxaa isku haysta Rag badan Albert, Garrincha,
Valetin,Jerkovic,sanchez, iyo Vava oo dhaliyey mid afar gool
koobki 1966
England waxay noqotay wadanki ugu horeeyey oo ku hadla af ingiriis oo marti galiya koobka aduunka
Markan waa markii ugu horeysay ay xulka qaranka Portugal kasoo muuqdan koobkan
England ayaa markeedi ugu horeeysay timid final waxayna la ciyaaren xulka qaran Germany ciyaar ku dhamaatay 4-2 waxyna guushu ku raacday xulka Saddexda libaax ee England
Eusebio ayaa noqday laacibka ugu goolasha badan tartanka wuxuuna dhaliyey sagaal gool isago matalaayey wadanka Portugal
koobki 1970
Maxico ayaa marka marti galisay koobki aduunk kadib sagaal jeer oo lasoo ciyaaraya wuxuuna noqday marki ugu horeysay ee lagu ciyaaro meel ka baxsan yurub iyo Ameerka
Salvador Marocco ayaa saftay markoodi ugu horeysay Tartankan
pele,Clodoaldo,Gerson,Jairzinho,Revellino,iyo Tosao ayaa matalayey Brazil kuwaas oo lo arkaayey waqtigaas kuwa ugu fiican ee ciyaara maqaarkan
Markan waxaa hanatay kobki xulka Brazil oo 4-1 ku qaraacday wadanka Germany
Gerd Muller ayaa ku guulaystay kabta dahabka ama gool dhalinta isago matalaayey wadanka jermalka wuxuna dhaliyey 10 gool
koobki 1974
Germany ayaa markan marti galinaysa koobkan waxayna munaasab la qabtay kaga qaaday wadamada kale ee yurub oo laha taraha marti galiyaasha koobka aduunka
ciyaarta kama danbeeysta ah waxaa isugu yimid germeny iyo halland waxayna guushu Raacday Germeny oo ku adkaatay 2-1
badana wadanki marti galiya ayaa hanta koobka waxaan ugu horeyey Uruguaye oo marti galisa iyada ku guulaysaty
goal dhaliyaha ugu sareeya tartanka wuxuu ahaa G.Lato oo u dhashay wadanka Poland kaas oo dhaliyey 7 goal
koobki 1978
Markan wuxuu dib ugu soo laabtay qaarada Ameerika oo marti galinaysa koobkan waxaana loo doortay Argentina
Hadda waxa kasoo qayb galay koobkan 16 wadan balse waxaa la wada olole lagaga dhigaayo 24 wadan
Tartanka waxaa aad u carqaladeeyey kaligii taliyihii Argentine waxaana lo yaqaana tartanki ugu wasaqsana ee koob aduun
finalki Argentine ayaa 3-1 kaga adkaatay holland ciyaar ka dhacady garoonka Buenos
laacibka ugu goolsha badan wuxuu ahaa Kempes oo u dhashay wadanka Argentina isago dhaliyeylix gool
koobki 1982
Spain ayaa markan marti galisay koobkan waxaana kasoo qayb galay 24 wadan
markan waxaa kasoo muuqday koobkan Algeria Camaroon Hondures kuweit iyo New Zealand
Xulka qaranka talyaaniga ayaa ciyaarti ugu danbeysay koobkan 3-1 kaga adkaaday dhigooda germany
Goal dhaliyihii ugu sareeyey tartan ayaa ahaa Rossi isago kasoo jeeday dalka talyaaniga wuxuuna dhaliyey lix goal
koobki 1986
Maxico ayaa mar labaad loo doortay inay marti galiso koobka aduunka
Denmark iyo Ciraay ayaa markoodi ugu horeeysay kasoo muuqday koobka aduunka
Tartankan waxaa lagu xasuusta Diago Maradona oo dhaliyey goolki Hand of god iyo goolki caanka aha ee uu ka dhaliyey engalnd wareegi 8aad
xulka Argentina ayaa 3-2 kaga adkaaday wadanka germany ciyaartas oo jabisay rikoor waana ciyaarti ugu horesay ee kaso qayb galaan 114,600 oo qof
Gary Lineker ayaa noqday laacibka ugu goolasha badan rartankan wuxuna matalayey wadanka england isago dhaliyey lix gool
koobki 1990
Talyaaniga ayaa markan noqday marti galiyaashi koobkan waxaana markoodi ugu horeysay kasoo muuqday tartanka costa rica imaardka iyo Ireland
1990 waa markii ugu horeysay oo lagu daawado HDTV waxaana kama danbeysta yimid germany iyo argentina waxayna guushu raacday germany oo ku adkaatay1-0
gool dhaliyaha ugu sareeya tartan ayaa ah laacibka xulka qaranka talyaaniga isago dhaliyey lix gool
koobki 1994
USA ayaa markan marti galisay koobka aduunka ee ragga waaxana markii ugu horeysay la sameeyeykoobka aduunka ee haweenka
waxaa loo arka koobki ugu rikoorka fiicna wuxuuna soo jiitay tiro dawadayal oo badan
waxaa markoodi ugu horeeysay kasoo muuqday tartanka Greece saudi arabi iyo Nigeria
waxaa kama danbeystii yimid xulka Brazil iyo talyaaniga waxayna ku dhamaatay bar baro goolal la,aan ah waxana laysla aaday rigoorayaal sidaasna waxaa koobka ku qaaday talyaaniga
Gool dhaliyaha tartanka ayaa aha Hristo iyo salenko oo dhaliyey mid lix gool
koobki 1998
markan waxa marti galinaaya wadanka faransiiska waana world cup keliya ay kasoo qayb galeen tiro dhan 32 wadan
Croatio japan jamaica iyo koonfurta afrika aya markoodi ugu horeysay kasoo muuqday tartanka
ciyaarti finalka ayaa lagu ciyaaray magaalada paris waxaan isu soo haray faransiiska iyo brazil halkaas oo ay guushu ku raacday faransiska waxayna ku adkaaden 3-0
sukor oo u dhashy dalka croatio ayaa ku guulaystay gool dhaliyaha ugu sareeya tartanka isago shabaqa ku shubay lix gool
koobki 2022
waxaa la galay qarni cusub waana kan aan hada ku jirno waxaan marka marti galiyey labo wadan markan south korea iyo japan
Tartankan waxaa lagu qabtay 20 goobod oo kala duwan labada wadanba,
koonfurta kuuriya ayaa gaartay semi final waxaana kama danbeysat yimid Brazil iyo germany oo ay guushu raacday wadanka brazil oo si raaxo leh ku dhaafay germnay
Brazil ayaa ku guulaysaty koobkoodi shanaad waana wadanka ugu badan ee ku guulaysta koobkan
koobki 2006
Germany ayaa ku guulaystay inuu matri galiyo koobka aduunka oo la ciyaarayey markii 18aad
Germany ayaa ugu cad cadaa ku guulaysiga koobkan balse waxay seme-final ku dhacady wadan talyaaniga
Talyaaniga iyo faransiska ayaa yimid final waxaana lagu xasuusta dhacdadi zidani oo jeestada
Markan waxaa koobka hantay wadanka talyaaniga iyago rikoorayal ku qaraacay faransiska
klose oo u dhashay dalka germnay ayaa ku guulaystay gool dhalinta isago dhaliyey shan gool
koobki 2010
xuquuqda marti galiyaasha waxaa markan la siiyey afrika waxaana marti galisay koonfur afrika
koobkan ayaa ahaa koobki ugu horeeyey ee lagu qabto Afrika iyado lagu ciyaarayey 10 goobod
spain iyo halland ayaa yimid kama danbeysata koobkan waxaan ciyaarta go,aamiyey ineista oo dhaliyey goolka qura ay spain koobka ku qaaday
Forland muller villa iyo sneijder ayaa dhaliyey mid shan gool waxayna si wada jir ah ugu guulaysteen kabta dahabka ah
koobki 2014
Brazil ayaa loo doortay inay marti galiso markoodi ugu horeysay tan iyo 1986
brazil ayaana ceeb wayn kala kulantay germany ka dib 7-1 marki lagu xasuuqay iyago gurigooda jooga
Argentine iyo germany ayaa ku kulmay finalka waxayna guushu raacday wadanka germany waxaana daqiiqadaha dhimashada goosha guusha dhaliyey mario gotze
jame rodrigueze ayaa noqday goal dhaliaya ugu sareeya tartan isagoona dhaliyey lix gool
koobki 2018
koobkan ayaa haa kii ugu danbeeyey ee la ciyaaro waxaana marti galiyey wadanka hada laga saraay koobkan ee russia sababo siyasadeed
faransiiska yaa markii labaad ku guulaystay koobka iyago qaracay wadanka croatio oo marki ugu horeysay soo gaadha final
weerar yahanka engalnd ayaa ku guulaystay gool dhalinta tartanka isago saxiixay lix goal
koobka 2022 insha alla
wadanaka qatar ayaa marti galinaysa marka asiya ayaa markii labaad marti galinaysa koobka kadib south korea oo 2002 maari galisay
wuxuu bilaaban doona bisha tobnaad 21 isago dhamaan doona bisha kow iyo tobnaad ee sandna waana markii ugu horeysay oo xiligan la ciyaaro sabababo owgeed oo ugu horeeyso kulaylka xad dhaafka ah ee xagaaga ka dhaca qatar
wadamada ugu badan ee ku guulaysta koobkan
Brazile 5 jeer
germany 4 jeer
talyaani 4 jeer
argentina 2 jeer
france 2 jeer
uruguay 2 jeer
spain 1 jeer
england 1 jeer
